Muxuu tarayaa buugga uu arday walibaa uu qorayo markuu jaamacad dhameeyo..?
Buuga Ardayga Jaamacadda uu Qoro Maxaa Faaido Ku Jirto Hadii Qashin Qubka Lagu Xoorayo..?
Buugaagtan sawirka kore idiinka muuqataa, waa buugaagta jaamacadda, ee ay xilliga bar dhammaadka jaamacadda ardaydu qoraan. Inta gaadhiga qashinka la saaray baa lagu soo daadiyey dixda ama godka xashiishka oo lagu soo gubayaa. Waa tacab bani aadan oo ay ku baxeen muruq iyo maal iyo maskaxba. Waa tacab bani aadan oo tamar iyo taagba gashay. Waa tacab bani aadan oo ay waqti iyo iswaydiin badani ku maqan tahay. Sida oo kale, waa tacab bani aadan oo si fudud lagu cidhibtirayo ama lagu dabargoynayo. Haddaba su'aasha iswaydiinta leh waxay tahay, mar haddii aan aqoontii ardayda la kaydinayn, oo aan caqligooda iyo cilmigoodaba la ixtiraamayn, maxaa ardayda laga lug goynayaa ee laga dhibayaa mar haddii si fudud qashinka lagu darayo oo loo gubayo cilmigii iyo caqligii ay ururinayeen muddada dheer, ee ay halganka dheer iyo hagardaamada u soo mareen ee ay waliba waqtiga iyo lacagtuna kaga baxeen? Miyaa la iska daayo waxba yaan la qorin e?

This comment has been removed by the author.
ReplyDelete